Sidee Sharaftii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) loo soo Celin Karaa?

Filed under: Figrado,Maqaalo,Top Stories,Wararka,Xikmada |

Waxaaan jecelahay inaan mareegta samo talis kabilaabo maqaalo toosin ah oo ku aroora runta kana hadli doona dhamaan Soomaaliya qaybaheeda kala duwan. Waxaan jeclahay inaanku bilabo maqaalka ugu horeeye madaxwaynaha Somaliland waa kuma?siilaanyo_elections1

Haddii aynu uga hadalo sidhab ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu ku soo barbaaray tacliin qiimo leh, wuuna ku wanaagsanaa maaddo kasta. Wuxuu ahaa ardayga ugu fiican waxbarashada kalaas kasta oo uu kujiro, kaalinta koowaad weligii lagamaqaadin. Shaqadii u horeysay oo uu bilaabay wuxu kabilaabay agaasime guud, ilaa wasiir wuxu ahaa nin aad loo jecelyahay; karti badan, dhabkahadalka iyo daacadnimo lagu xanto. Ka dibna, wuxu u gudbay inuu hogaamiyo jabhad aan lahayn kaladanbayn iyo wakhti adag. Wuxuu ku guulaystay in uu noqdo ninkii gaadhsiiyey halganka guul. Inkasta oo duruufo adagi ay ku xeernaayey, amaan iyo sharaf ayuu ku soo dhammaystay hawshii adkayd, ilaa uu ka noqday madaxweynaha Somaliland.

Markii uu majaraha dawladda qabtay waxa uu madaxweynuhu la kulmay mucaarad aanu weligii arag. Waxa ayaan darro ah, madaxweynaha oo ku soo kifaaxay 50 sano oo halgan, in maanta meel walba laga caayoyo. Hadaba, maxaa sababay in ninkii sidaas loogu hanweynaa ee haweenku dahabkoodii u iibiyeen maanta sanka laga qabsanayo.

Waxa aan shaki ka taagnay in madaxweynaha iyo maamulkiisiiba uu kharibay, markii uu gacanyare iyo la taliye ka dhigtay nin ka aradan cilmi aqooneed, guurtinimo iyo waaya aragnimo; kuna suntan ama ku aslan fudayd iyo dulqaad yaraan. Ninka xilkan aanu u qalmin loo igmaday oo ah Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxa aan xasuustaa markii ugu horeysay ee madaxweynuhu magcaabay, waxaa inta uu shir salaadiin isugu yeedhay ka hadlay Boqor Cismaan Maxamud Maxamed (Buurmadow), ka dibna waxa su’aal weydiiyey Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo yidhi “yarku maalinba ma joogine, maxaa madaxweynaha laga tusay?” Ka dibna waxa Boqor Buurmadow ugu jawaabay “ War waxa aynu rabnaa haddii dalka cidi Fircoon ka noqonayso in madaxweynuhu noqdo, Saylicina Haamaan ha noqdo; laakiin haddii aynaan eryin Xirsi, isaga ayaa Fircoon nnoqonaya; madaxweynuhuna waxa uu noqonayaa Haabaan.” Taas oo Boqorku ula jeeday maahmaah Soomaaliyed oo tidhaahda “Bahina way is xoolo taqaanaa, Baydarina waa is biryaqaanaa.”

Hadaba, soomaalilaand waxa ay sida cadceeda u aragtay hadalkii Boqor Buurmadow sidaa awgeed, si loo badbaadiyo sharaftii madaxweynuhu ku soo barbaaray, waxay ahayd awoodda daastuuriga ee madaxweynaha in uu keligii isticmaalo boqolkiiba boqol, halka uu Xirsi isticmaalay boqolkiiba 95, halka madaxweynuhu boqolkii shan kama isticmaalo.

Waxa kasii daran, madaxweyne ku xigeenka isagu saaxada maamulka kama muuqdo, taas oo fashil iyo ceebweyn ku ah maamulka Somamaliland. Waxa ayaan daro ah marka uu madaxweynuhu maqanyahay xafiiska Xirsi wuu buuxaa safaf dheer ayaa loo galaa, kan madaxweyne xigeenkuna waa cidla.
Guntii iyo gebagebadii si loo daba qabto sharafta madaxweynaha iyo tan dalkaba, waa in madaxweynuhu si dhakhso ah xilka uga qaado Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan. Haykalka dawladeed kuma jirto in madaxweynuhu wasiir uu magacaabay uu ka awood bato. Ma dhicin waqtigii kacaankii Maxamed Siyaad Bare wasiir wasiirka baqa maanta wasiirada iyo jananada ciidamada iyo shacbiguba waxa ay ka haybadaystaan wasiir Xirsi keliya; ilaa uu ka samaystay joornaalo iyo mareego keligii amaana.

Hadaba, waxa aan u soo jeedinayaa shacbiga iyo cid kasta oo u damqanay dastuurka iyo dalka ama ka naxaysa mustaqbalka madaxweynaha in lagula taliyo cadaasna lagu saaro in uu meesha kabaxo Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxa aan hubaa in ay yaraanayso mucaaradada faraha badan, soona noqonayso sharaftii guunka ahayd ee madaxweynuhu hore us oo kasbaday.

Waa qalinkii Dawlad Seyid Maxamuud, Hargeysa

You must be logged in to post a comment Login