Waxaaan jecelahay inaan mareegta samo talis kabilaabo maqaalo toosin ah oo ku aroora runta kana hadli doona dhamaan Soomaaliya qaybaheeda kala duwan. Waxaan jeclahay inaanku bilabo maqaalka ugu horeeye madaxwaynaha Somaliland waa kuma? Haddii aynu uga hadalo sidhab ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu ku soo barbaaray tacliin qiimo leh, wuuna ku wanaagsanaa maaddo kasta. [...]
March 19, 2013 / No Comment / Read MoreMunaasabad balaaran oo lagu maamuusayay sanad guuradii aas-aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyey Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loogu dabaal degayay sanad guuradii 43 ee ka soo wareegta markii dhidibada loo tagaay ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ka dhacday xarunta xabisiga dhexe ee Muqdisho waxaana ka [...]
Continue reading …Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho. Iska hor imaadkan oo ahaa mid muddo kooban soconaya, islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Inta la qaxiiqiyay 2-qof ayaa ku geeriyootay tiro [...]
Continue reading …Waddooyinka magaalada Kismaayo ayaa maanta deggan kaddib dagaal shalay halkaas ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka ku-meel-gaarka ah. Ciidamo isugu jira kuwa maamulka KMG ah iyo kuwa dowladda Kenya aya ilaalinaya waddooyinka magaalada kuwaasoo isku dayaya inay ka hor-tagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara ammaanka. Dhaqdhaqaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo dadweynaha ayaa soo [...]
Continue reading …Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Muqdisho kaddib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Ethiopia. Jawaari oo weriyeyaal kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in uu Ethiopia wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalkaas Abadula Gemeda oo uu xusay in ay is-dhaafsadeen fikrado iyo talooyin kala [...]
Continue reading …Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urs, safiirka Britain ee Soomaaliya Matt Baugh iyo diblumaasiyiin ka socday safaaradda Faransiiska ee Kenya oo caasimadda booqday. Raysul wasaare Saacid oo saxaafadda la hadlay markii uu kulanka [...]
Continue reading …Munaasabadan lagu weyneynayay Maalinta caalamiga ah ee afka Hooyo oo ku beegan 21ka bisha Febraayo ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka. Xafladan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa kaqeybgalay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge Xersi, wasiir Kuxigeenada wasaaradda mudane C/shakuur Cali Mire iyo mudane Ibraahim [...]
Continue reading …Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha dalka ayaa maanta si wadajir ah garoonka Diyaaradaha Aaden cadde kula kulmay Madaxa Hay’adda USAID oo Muqdisho soo booqdey.. Xubnaha Wefdigaan ayaa waxaa hogaaminayay Madaxa hay’adda USAID Rajif Shah kaasoo uu wehlinayay Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador james Swan. Kulanka ay wada qaateen Madaxa Hay’adda USAID iyo Madaxda Dowladda Federaalka [...]
Continue reading …Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dalka ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loo xukumay. Dilka oo saaka ka dhacay Iskool Boliisiya ayaa lagu fuliyay Sadex ruux oo ka mid ahaa ciidamada Qalabka sida, kuwaas oo mid ka mid ah uu ahaa Sarkaal, waxaana maxkamada ciidamada Qalabka sida [...]
Continue reading …Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula qaatay mas’uuliyiin ka socotay baarlamanka sare ee dalka Mareykanka kuwaas oo maanta soo gaaray caasimada dalka ee Muqdisho. Mr Cetalisan oo ka tirsan Kongareyska Mareykanka oo hogaaminayay wefdiga iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xaaladaha ka jira waddanka iyo horumarrada ay Soomaaliya sameysay [...]
Continue reading …Baarlamaanka Carabta ayaa maanta taageeray isku dayga dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in lagu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya 21-kii sano ee la soo dhaafay. Shir ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, ayuu baarlamaanka Carabta ka sheegay in la joogo xilligii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaadi lahaa cunaqabataynta hubka ee saaran [...]
Continue reading …Warsaxafadeedka ka soo baxay wasaaradda horumarinta adeega bulshada ayaa lagu sheegay in maanta ay xafiiskeeda ku qaabishay wasiirka wasaaradaasi wafdi ka socday hay’adda Q.M u qaabilsan Carruurta ee UNICEF. Wafdiga ka socda hay’adda UNICEF ayaa waxaa hor kacayay Mr Shema Se Gupt,waxaana wafdiga UNICEF iyo wasiirka wasaaradda horumarinta adeega bulshada ay ka wada hadleen dhibaatada [...]
Continue reading …Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii Jimcihii Garoowe loogu geystay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo qaraxii gaariga loo isticmaalay ee Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Danjire Cervone d’Urso ayaa war qoraal ah wuxuu maanta ugu tacsiyeeyay qoyska [...]
Continue reading …Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii 51 aad ee Ciidamada badda Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ciidamada Badda ayaa maanta u dabaaldegay Toddobo Doonyood oo ay ciidamadu saaranyihiin iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Badda oo Gaardinaya ayaa ka qeyb qaatay dabaal degga oo ka [...]
Continue reading …Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war qoraal ah ku cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacantay qaraxa oo ka dhashay gaari walxa qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay goob baabuurta la dhigto oo u [...]
Continue reading …Wararka ayaa sheegaya in gaari lagu so xiray waxyaabaha qaraxa dhaliya in uu galay Baar ku yaala xeebta Liido degmada Cabdicasiis magaalada Muqdisho, kaas oo ay wax ka cunaan isla markaana fariistaan dadka dal-xiisayaasha ah iyo qurba joogto. Baarka ayaa la sheegay in la yiraahdo Seafood, waxaana lagu gadaa cunooyinka Badda laga soo saaro iyo [...]
Continue reading …Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay inay xukuumaddiisa lacag dhan 50 kun oo doollar ku abaalmarineyso cid kasta oo keenta xog ku saabsan dambiile dilay weriye Soomaaliyeed. Raysul wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qeybaha warbaahinta sida milkiilayaasha, wakiillo ka socday idaacadaha, telefeshinnada, wakaalaadaha iyo xubno wariyeyaal ah. [...]
Continue reading …Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay gelinkii dambe kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalagn. Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Itoobiya ayaa waxaa Gudoomiye Jawaari ku wehliye Gudoomiye kuxigeenka labaad iyo qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka oo booqasho rasmi ku jooga Addis Ababa. Ra’iisul [...]
Continue reading …Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka tirsan culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ka ah waddamada Geeska Afrika ayaa maamullada ka jira Soomaaliya ugu baaqay inay ilaalo u yeelaan culimada, si naftooda loo badbaadiyo. Sheekha Umal oo ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo shalay casarkii lagu dilay masjid ku yaalla [...]
Continue reading …(Muqdisho..Samotalis)Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo maleeshiyada al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay fariimo ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa dhashay kaddib markii maleeshiyada al-Shabaab ay abbaare 2-dii saqda dhexe weerartay fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag [...]
Continue reading …